Xildhibaanada oo meel mariyay hindise sharciyeedka dastuurka loogu dharaayay sanduuqyada CDF, SOF iyo NGAAF

0
408

Xidlhibaanada barlamaanka qaranka ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay sharciga dastuurka dalka (wax ka bedelka) 2025, kaas oo doonaya in lagu dharo saddex lacagood oo horumarineed oo muhiim ah Dastuurka: Sanduuqa Horumarinta Deegaannada (NG-CDF), Sanduuqa Kormeerka ee Senate-ka (SOF), iyo Sanduuqa Waxqabadka Xaqiijinta ee Dowladda (NGAAF).
Intii lagu guda jiray akhrinta labaad ee hindise sharciyeedka, waxaa codeeyay 304 xildhibaan, iyadoo aysan jirin cid ka hortimid. Akhrinta Saddexaad, 298 Xildhibaan ayaa taageeray Hindise sharciyeedka, iyagoo isku diiwaan geliyay cod aqlabiyad ah.
Hindise-sharciyeedkan, oo ay iska kaashadeen Otiende Amollo oo laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya iyo dhigiisa Ainabkoi ee ismaamulka Uasin Gishu Samuel Chepkonga, ayaa la horgeeyay barlamaanka 12-kii bishii March ee sanadkan waxaana loo gudbiyay Guddiga Waaxda Garsoorka iyo Arrimaha Sharciga (JLAC) si ay u tixgeliso.
Guddigu ayaa waxaa uu qabtay ka qaybqaadasho ballaaran oo dadweyne dhammaan 290-ka deegaan doorasho wuxuuna soo gudbiyay warbixintiisa 17-kii bishii hore ee June, isagoo daaha ka qaaday in in ka badan 98 boqolkiiba dadweynaha codkooda soo gudbiyay ay taageereen soo jeedinta.
Guddoomiye ku xigeenka JLAC, Prof. Guyo Jaldesa ee deegaanka Moyaale ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay, isaga oo soo xiganaya taageero heer qaran ah oo baaxad leh.
Ujeedada ugu weyn ee wax ka bedelka dastuurka ayaa ah in loo helo hubanti sharci ah iyo ilaalin dastuuri ee saddexda sanduuq. NG-CDF ayaa waxaa loogu talagalay in lagu wanaajiyo helista adeegyada dowladda qaranka si siman, gaar ahaan waxbarashada iyo kaabayaasha heerka hoose.
SOF ayaa waxaa ay xoojin doontaa doorka kormeerka ee aqalka Senate-ka ee maamul goboleedyada, halka NGAAF ay kor u qaadi doonto taageerada kooxaha nugul, oo ay ku jiraan haweenka, dhallinyarada iyo dadka naafada ah.
Ka dib markii uu buuxiyay heerka dastuuriga ah ee saddex-meelood laba meel aqlabiyadda barlamaanka, sharcigan ayaa waxaa uu hadda u gudbayaa aqalka Senate-ka si loo tixgeliyo.