Xildhibaanada oo ansixiyay labadii wasiir oo dhawaan uu magacaabay madaxweynaha

0
475

Barlamaanka qaran ayaa maanta ansixiyay magacaabista Geoffrey Ruku iyo Hanna Wendot Cheptumo inay noqdaan wasiiro ka tirsan golaha wasiirada.
Ruku ayaa dhaarista ka dib la wareegi doonaa madaxa wasaaradda adeegga dadweynaha halka Cheptumo ay la wareegi doonto wasaaradda Jinsiga.
Labadan masuul ayaa Isniintii waxaa ay ka soo hor muuqdeen guddiga turxaan bixinta ee aqalka barlamaanka halkaas oo su’aalo laga waydiyay arrimo muhiim ah oo ku saabsan wasaaraddaha loo soo magacaabay.