Xildhibaanada cusub ee Juja iyo Bonchari oo la dhaariyay

0
317

Waxaa xilalkooda loo dhaariyay xildhibaanada cusub ee deegaan baarlamaaneedyada Bonchari iyo Juja ee kala ah Pavel Oimeke iyo George Koimburi .
Tani ayaa timid ka dib doorashooyinkii ku celiska ahaa ee deegaanadan ka dhacay bishii hore.
Pavel Omeke oo ka tirsan xisbiga ODM ayaa helay codad dhan 8,049 waxaa uuna ka guulaystay Zebedeo Opore oo matalayay Jubilee oo soo hooyay 7,279 iyo Teresa Oroo oo ka tirsan UDA oo heshay codad dhan 6,964.
Kursiga baarlamaanka ee Bonchari ayaa bannaanaday ka dib geeridii bishii labaad ee sanadkan ku timid Oroo Oyiokamid .
Ndung’u George Koimburi oo isna loo dhaariyay xilka xildhibaananimo ee Juja oo ka tirsan Kiambu ayaa ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga PEP waxaa uuna bishii hore ku guulaystay codad dhan 12,159 .
George Koimburi ayaa buuxinaya jagadii uu baneeyay Francis Waititu oo bishii labaad u dhintay cudurka kansarka.