Mudanaha deegaanka Emurrua Dikirr ee ismaamulka Narok Johanah Ng’eno ayaa dowladda dhexe kula taliyay in ay shaaciso in cudurka COVID-19 uu yahay musiibo qaran.
Mr. Ngeno ayaa sheegay in caabuqa corona uu saameyn ballaaran ku sii yeelanaya dalka in kastoo 5 ka mid ah ismaamullada dalka xayiraad dhanka safarrada ah la geliyay.
Waxaa uu baaqan jeediyay xilli uu ka qayb galay aaska wasiirkii waddooyinka iyo adeegga dadweynaha ee Narok John Marindany oo Arbacadii cudurka COVID-19 ugu dhintay Nairobi.
Xildhibaanka ayaa xusay in hadii lagu dhawaaqo in xanuunka COVID-19 uu yahay musiibo qaran ay suurtagalayso in dhammaan lacagaha loo qoondeeyay mashaariicda kale lagula dagaallamo cudurka.