Xildhibaan Otiende oo ku hanjabay inuu keeni doono mooshin lagu mamnuucaayo in Gachagua uu qabto xafiis dadweyne

0
457

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan barlamaaneedka Rarieda ee ismaamulka Siaya Otiende Amollo ayaa ku hanjabay inuu aqalka barlamaanka hor keeni doono mooshin ka dhan ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka Rigathi Gachagua kazoo looga mamnuucayo inuu u tartamo xafiis dowladeed.
Otiende oo Gachagua ku eedeeyay inuu faafiyay siyaasad isdiidan ayaa ku andacoonaya in ku xigeenkii hore ee hoggaamiyaha qaranka uuysan wax cashar ah ka baran markii ay xilka ka xayuubiyeen aqalka Senatka 2024-kii.
Xildhibaanka Rarieda ayaa ku dooday in baarlamaanka uu isticmaali karo qayb ka mid ah dastuurka oo ka mamnuucaya Gachagua inuu u tartamo xafiis dadweyne.
Madaxweyne ku xigeenka hore oo doonayo inuu madaxweynaha dalka ka dhigo mid aan dib loo dooranin 2027-ka ayaa dadka xulafada la ah Ruto ay ku tilmaameen inuu yahay mid waddo siyaasad ku saleysan kala qaybsanaan.