Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Kimilili ee ismaamulka Bungoma, Didmus Barasa ayaa wacad ku maray inuu maxkamadda dacwad geyn doono.
Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayuu ka dalbaday inay dib u eegis ku sameyso natiijada imtixaanka fasalka siddeedaad ee KCPE-da dugsiga hoose dhexe ee Moi DEB oo macallimiinta , waalidiinta iyo maamulaha ay sheegeen inaynan ku qancin.
Maamulaha dugsigan ayaa muuqaal laga duubay oo lagu faafiyay baraha bulshada waxaa laga dhex arkaya isagoo qiireysan oo sheegaya inaynan macquul ahayn natiijada ay heleen ardayda dugsiga uu madaxa ka yahay.
Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo dhigay barta Facebook-ga ku sheegay inuu la xiriiray wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka Ezekiel Machogu si uu u amro in dib u eegis lagu sameeyo natiijada KCPE-da ee dugsiga hoose dhexe ee Moi DEB.
Mudanaha ayaa carrabka ku adkeeyay in haddii aan codsigiisa la fulin muddo 14 cishe gudahooda ah inuu maxkamadda tagi doono.
Ardayda ugu horreeyay ee dugsiga Moi DEB ee Bungoma ayaa helay 365 dhibcood halka ardaygii ugu horreeyay KCPE-da ee dugsigan sanadkii hore uu soo hooyay 418 .
I have asked CS Education My good friend @machoguezekiel to order Re-Examine of KCPE exams for the pupils of Moi DEB Primary School in Bungoma, commonly known as The Commonwealth. If this will not happen in next 14 days, I will move to court.
— Hon Didmus Barasa, MP Kimilili (@DidmusWaBarasa) December 22, 2022
Every counterpart must be brought to book na sio tafadhali#KCPEResults#BungomaCounty#educationmatters#Machogu
— Hon Didmus Barasa, MP Kimilili (@DidmusWaBarasa) December 22, 2022
Every counterpart must be brought to book na sio tafadhali#KCPEResults#BungomaCounty#educationmatters#Machogu
— Hon Didmus Barasa, MP Kimilili (@DidmusWaBarasa) December 22, 2022