Mudanaha deegaan baarlamaneedka Molo ee ismaamulka Nakuru , Kuria Kimani ayaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga ku boorriyey inay xaqiijiyaan in shakhsiyaadka ku biiraya guddiga doorashooyinka ee IEBC ay noqdaan kuwo karti leh.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in madaxweynaha iyo Raila looga baahan yahay in shaqaaleysiinta howlwadeennada cusub ee guddiga aynan ku saleyn fulinta dano siyaasadeed.
Xildhibaanka ayaa dhanka kale bogaadiyey tallaabadii uu hoggaamiyaha dalka William Ruto ku tixgeliyay tabashadii mucaaradka .
Waxaa uu mudanaha ku taliyey in wada hadal kasta oo la yeelanaya uu noqdo mid ku qotomo dastuurka dalka.