Mudanaha laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Koonfurta Mugirango ahna madaxa siyaasiyiinta aqlabiyadda ku leh baarlamaanka u qaabilsan dhanka nidaamka iyo abaabulka , Sylvanus Osoro ayaa isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ku eedeyay inuunan ka soo bixin howshiisa mucaaradnimo.
Osoro ayaa xilli uu u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen hoosta ka xarriiqay in Azimio aynan dowladda talada haysa sida habboon ula xisaabtamin.
Waxaa uu xusay in mucaaradka uunan weli si buuxda u gudan waajibaadka kaga aaddan kormeeridda waxqabadka dowladda.
Mudanaha ayaa siyaasiyiinta ka tirsan Azimio ku dhaliilay in marka la qabanaya doodaha baarlamaanka ay diiradda saaraan arrimo aan muhiimad wayn lahayn.