Xildhibaankii hore ee deegaan baarlamaneedka Mukuruweini ee ismaamulka Nyeri Kabando Wa Kabando ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu qafiifiyo mowqifkiisa siyaasadeed oo uu wada hadal la yeesho madaxa mucaaradka Raila Odinga.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dibadbaxyada socdo ay Ruto ka dhigayaan mid aan caan ahayn.
Kabando ayaa xusay in dalka uunan sii xamili karin mudaaharaadyada ay saameynta ka dhalatay oo ay kenyaanka badankooda ku biiri doonaan ololaha Raila.
Macluumaadka dowladda ayaa muujinaya in dibadbaxyada lagu dilay labo qof halka la dhaawacay 51 booliis iyo 85 shacab ah tan iyo toddobaadkii hore.