Xildhibaan doonaya in mushaar la siiyo waxgaradka tuulooyinka

0
529

Mudanaha deegaanka Galbeedka Kibwezi ee ismaamulka Makueni , Mwengi Mutuse ayaa doonaya in maamulka qaran ee dowladda si rasmi ah loogu daro odayaasha tuulooyinka si ay mushaar u qaataan.
Xildhibaankan oo ku cusub baarlamaanka ayaa mooshin arrinkan ku saabsan gudbiyay.
Waxaa uu xildhibaannada kale ka codsaday inay mooshinkan taageeraan.
Waxaa uu ku doodaya in duqeyda ay adeegyo muhiim ah u fidiyaan dadweynaha iyo dowladda balse aan weli mushaar loo qorin .
Tani ayuu xusay inaynan waafaqsanayn mabaadi’da dhaqamada shaqaaleysiinta cadaaladda ku saleysan ee dastuuriga ah.
Mutuse ayaa intaasi ku daray in odayaasha ay isdhexgal wanaagsan la sameyaan muwaadiniinta sidaas awgeedna in la aqoonsado ay dan guud tahay.