Guddiga qaabilsan xallinta murannada siyaasadeed ee (PPDT) ayaa soo saaray go’aan uu ku hakinaya in lagu tallaabo qaado xil ka qaadis lagu sameeyay senatarka ismaamulka Isiolo Faadumo Duullo.
Waxay garabka mucaaradka u qaabilsanayd dhanka kala dambeynta ee aqalka sare.
Dhawaan ayay ahayd markii isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya uu haweeneydan ku beddelay dhigeeda ismaamulka Narok Ledama Ole Kina.
Tani ayaa timid ka dib markii Faadumo Duullo iyo siyaasiyiinta kale ee xisbiga Jubilee lagu eedeyay inaysan daacad u ahayn mucaaradka.
Hasa ahaate guddoomiye ku xigeenka aqalka sare, Kathuri Murungi ayaa senatarrada u sheegay in guddiga xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee PPDT uu senate-ka ku amray inuunan dhaqangelin isbeddelkii uu shaaciyay Raila Odinga ilaa iyo inta dacwadda loo gudbiyay laga dhageysanaya oo go’aan kama dambeys ah uu ka soo baxaya.