Xil ka qaadis lagu sameeyay Baarsaabka ismaamulka Kericho

0
449

Baarsaabka ismaamulka Kericho Erick Mutai ayaa xilka laga qaaday ka dib markii ay mooshiin xil ka qaadis ah u codeeyeen wakiilada aqalka baarlamaanka hoose ee Kericho
Guddoomiyaha oo is difaacay ayaa ugu dambeyn xilkiisa laga xayuubiyay,inkastoo uu fursad kale u heyso aqalka senetka.
Dhammaan 33-ka wakiilada ah ayaa u codeeyay xil ka qaadistiisa kaasi oo uu gudbiyay wakiilka Sigowet Ward MCA Kiprotich Rogony.
MCA Rogony, oo taageero ka helaya inta badan wakiilada , ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha ismaamulka Kericho inuu oggolaaday bixinta Ksh.85 milyan qandaraaslayaasha shaqada ah, eedeymaha Mutai ayaa si adag u beeniyay.