Waxaa isa soo taraysa hadal haynta caalamiga ah ee ka dhalatay xiisadda soo kala dhex gashay Iiraan iyo Israa’iil.
Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ,Giorgia Meloni ayaa sheegtay in ay aad uga walacsan tahay in ay sii kororto xiisadda ka taagan Bariga Dhexe ka dib weerarkii ay Iiraan ku qaadday Israa’iil.
Meloni ayaa barta X ee horay loo yaqaanay Twitter-ka ku sheegtay in ay ka shaqeynayaan sidii looga hor tagi lahaa in xaaladda ay faraha ka baxdo.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Talyaaniga ,Antonio Tajani ayaa dhankiisa sheegay inuu rajeynaya in Israa’iil ay aad isku xakameyso marka ay ka falcelinaysa bartilmaameedsigii xukuumadda Tehran ee shalay.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Talyaaniga uu galabta marti geliyo kulan is-arag ama muuqaal ah oo ay yeelanayaan toddobada waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha ee G7 si arrintan looga wada hadlo.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dhankiisa ku baaqay in la xakameeyo colaadda ka taagan bariga dhexe.
Wuxuu cambaareeyey xaaladda ka sii daraysa ee bariga dhexe gaar ahaan weerarka ugu dambeeyey.
Waxaa ilaa berri Subax duullimaadyada maxalliga ah baajiyey maamulka gagida diyaaradaha ee Mehrabad ee magaalada Tehran iyo dhowr garoomo diyaaradeed ah oo ku yaalla magaalooyin kala duwan sida ay qoraysa wakaladda wararka ee Mehr .
Sidoo kale dowladda Ciraaq ayaa hawadeeda sare dib u furtay saacado ka dib markii la hakiyay dhammaan duullimaadyada sida laga soo xigtay maamulka duullimaadka ee wadankaasi.
Sidoo kale waxaa hawadooda sare dib u furay dalalka Jordan iyo Lebanon oo daris la ah Ciraaq iyo Israa’iil .
Arrimahan ayaa yimid ka dib markii ay Israa’iil sheegtay in ugu yaraan 300 oo ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaallo looga soo weeraray dhanka Iiraan, Ciraaq iyo Yemen.
Waxay intaasi ku dartay in diyaaradaha iyo gantaallada badankoodu gacanta lagu dhigay.
Dowladda Iiraan ayaa dhankeeda sheegtay in ay weerarka fulisay iyadoo ka falcelinaysa howlgalkii ay Israa’iil 1-dii bishan Afaraad ee April ku bartilmaameedsatay qunsuliyadda Iiraan ee dalka Syria.
Waxay xukuumadda Tehraan hoosta ka xarriiqday in arrintaasi hadda lagu micnayn karo mid laga gudbay.