Golaha wasiirrada dalka ayaa shirkiisi shalay ku ansixiyay hindise sharciyeedka iskaashatooyinka ee sanadkan.
Xeerkan ayaa la filaya in lagu xoojiyo maamulka iskaashatooyinka iyadoo la soo magacaabaya guddoomiye.
Sidoo kale waxaa uu horseedaya in la ballaariyo siyaabaha loo ilaaliyo lacagaha dadka xubnaha ka ah shirkadaha iskaashatooyinka ee dalka.
Nidaamkan ayaa qeexaya in si joogto ah lagu kormeero iskaashatooyinka si looga hor tago lunsashada lacagaha kenyaanka ku biro ururrada maalgashiga.
Sidoo kale golaha wasiirrada ee dalka ayaa ansixiyay xeerka macdan qodashada si meesha looga saaro xannibaadda lagu soo rogo dadka howlahan ka ganacsado iyadoo loo aaneynaya inaynan adeegsan siyaabo casri ah.
Sidoo kale golaha ayaa adkeeyay amarkii madaxweynaha dalka ee ahaa in wasaaradaha ay boqolkiiba 10 dhimaan isticmaalka miisaaniyadooda.




