Xeerka howlgabnimada oo isbeddel lagu sameeyay

0
368

Golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansixiyay hindise sharciyeedka isbeddellada sharciga howlgabnimada ee dalka .
Ujeeddada arrintan laga leeyahay ayaa ah in la dardargeliyo bixinta lacagaha howlgabka.
Isbeddelka cusub ayaa waxaa ku xusan in wasaaradaha dowladda iyo waaxyaha hoos tago laga doonaya in ay 30 cishe gudaheeda ku soo gudbiyaan dokumeentiyada lagama maarmaanka ah ka dib marka uu qofka shaqaalaha ah ka fadhiisto shaqada.
Intaasi ka dib , waaxda howlgabka ayaa haysata 60 cishe oo ay lacagaha ugu wareejinaysa dadkan.
Waxaa hindise sharciyeedkan baarlamaanka hor geeyay xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Barasa waxaana si aqlabiyad leh u meel mariyay xubnaha baarlamaanka.