Xeer ilaaliyihii hore ee dalka Prof. Githu Muigai ayaa hoggaamin doona koox ka kooban in ka badan 10 qareen oo khibrad leh si ay u difaacaan go’aankii guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati uu shaaca kaga qaaday in doorashadii guud ee xilka madaxtinimo ee 9-kii bishan wadanka ka qabsoontay uu ku guuleystay William Ruto.
Waxaa ay arrintan ku soo aadeysa iyadoo musharraxa madaxweyne ee isbehesiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga uu qaadacay natiijadii doorashada ee xilka madaxtnimo islamarkaana uu sheegay inuu dacwad gaynaya maxkamdda.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa la filayaa in gelinka dambe ee berri uu maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court uu geeyo dacwad uu uga soo horjeedo in William Ruto lagu doortay si cadaalad oo sharci ah.
Qaar ka mid ah xubnaha kooxdan ayaa horay u matalay IEBC, gaar ahaan kiiskii ay maxkamadda Supreme Court ee meesha uga saartay geeddisocodkii sharci beddelka ee BBI.
Qareennada matali doona IEBC ayaa kala ah Prof. Muigai, Kamau Karori, Cabdiqaadir Maxamad, Eric Gumbo, Wambua Kilonzo, Peter Wanyama, George Murugu, Mahat Soomane, Cyprian Wekesa iyo Edwin Mukele.
Mr. Chebukati ayaa 15-kii bishan ku dhawaaqay in madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto uu yahay madaxweynaha sida sharciga ah lagu doortay, balse ninka ay sida wayn ula loolamayeen Raila Odinga iyo kooxda isbeheysiga Azimio ay diideen natiijada.
Kooxda isbeheysiga Azimio ayaa sheegay in ay hayaan caddeymo badan oo muujinaya in guusha Ruto aysan ahayn mid cadaalad ah islamarkaana ay jiraan faragelin.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo afar ka mid ah saraakiisa IEBC oo ay hoggaamineyso guddoomiye ku xigeenka guddigan Juliana Cherera ay natiijada xilka madaxtinimo dalka ku tilmaameen mid u gaar ah Chebukati.