Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Justin Muturi ayaa difaacay xeerarka canshuurta ee dowladda.
Waxaa uu sheegay in ay yihiin kuwo looga gol-leeyahay kobcinta dhaqaalaha dalka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Kirinyaga ayuu sheegay in heerka canshuurta ay hooseyso marka loo barbardhigo kobaca guud ee dhaqaalaha qaranka ee GDP.
Muturi ayaa sheegay in qaar ka mid ah kenyaanka ay siyaabo qaldan u fasirteen canshuurta dheeraadka ah ee uu soo rogay maamulka madaxweyne William Ruto balse ujeeddada laga leeyahay ay tahay in Kenya ay maaliyad ahaan ku filnaato maareynta howlaheeda iyo fulinta mashaariicda horumarineed.