Maxkamadda Eldoret ayaa lagu wadaa in ay go’aan ka gaarto haddii ay sax tahay codsiga dacwad oogayaasha ee ah in xabsiga lagu sii hayo muddo 14 cisho ah sarkaal booliis ah oo lagu eedeeyay in uu toogtay saaxiibtiis iyo nin kale inta laga soo gabagabeynayo baaritaannada.
Isniintii, qareenka Xeer ilaalinta Eric Kiama ayaa u sheegay garsooraha maxkamadda Mogire Onkoba in dambi baarayaasha ay doonayaan inay xabsiga ku sii hayaan sarkaalkan oo lagu magacaabo Eric Kirui laba toddobaad oo dheeri ah.
Kiama ayaa xaqiijiyay in marka baaritaanada la dhameeyo, sarkaalku uu wajihi doono dacwad dil ah oo ka soo horjeeda qodobka 204 ee xeerka ciqaabta.
Kirui, oo ah sarkaal ka tirsan saldhigga Tembelio ee maamul hoosaadka Moiben ayaa la sheegay in uu dilay saaxiibtiis Caroline Malakwen iyo nin magaciisa lagu sheegay Ignatius Kipchumba isaga oo isticmaalaya qori AK 47 ah oo loo qoondeeyay habeenimadii 26-kii June xilli uu ku sugnaa goob lagu caweeyo oo ay lahayd haweeneyda geeriyootay.
Xeer ilaalinta ayaa ku dooday in hubkii dilka loo adeegsaday aan wali lagu sameyn baaritaan dhanka rasaasta ah.
Waxaa ay intaa ku dareen in aan wali la helin warbixinada dhimashada ka dib, isla markaana marqaatiyada muhiimka ah aysan weli xogtooda la wadhaagin booliiska.
Qareenka Kirui Stephen Ombego ayaa si adag uga soo horjeestay codsiga lagu xirayo macamiilkiisa, isagoo ku andacoonaya in xuquuqdiisa dastuuriga ah ee ah inuu ku sugo xoriyadda dammaanadda aan la xadidin.