Maamulka gobolka New South Wales oo ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee dalka Australia ayaa kordhiyay muddada ay sii shaqeynayaan tallaabooyinka uu ku xakameynaya faafidda cudurka COVID-19.
Tani ayaa timid ka dib markii uu soo baxay walaac ah in caabuqa corona uu ka soo gudbay magaalada Sydney oo uuna ku faafaya degmooyinka fog.
Xayiraadda ayaa lagu wadaa inay si buuxda uga dhaqan gasho magaalada Tamworth sida laga soo xigtay guddoomiyaha gobolkaasi Gladys Berejiklian.
Waxay sheegtay in khuburrada caafimaadka ay ku taliyeen in muddo hal toddobaad ah la joojiyo isku socodka dadweynaha ee degmadaas.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa gudaha gobolka New South Wales ee Australia laga diiwaangeliyay 283 oo ah xaaladaha cusub ee corona.