Xayiraad la xiriirta COVID19 oo ka dhaqan gashay Tunisia

0
402

Waxaa wadanka Tunisia si rasmi ah uga dhaqan galay xayiraad ay dowladda dalkaas uga gol-leedahay in ay ku xakameyso faafidda caabuqa corona.
Ra’iisul wasaaraha Tunisia Hichem Mechichi ayaa sheegay in ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka caafimaadka ah.
Waxaa uu intaa ku daray in xarumaha caafimaadka ee dalkaas ay qarka u saaran yihiin in la xiro.
Ilaa Axadda dambe waxaa xirnaanaya masaajidda , suuqyada iyo dukaamada lagu iibiyo waxyaabaha aan aadka muhiimka u ahayn.
Sidoo kale waxaa muddo hal toddobaad ah gudaha Tunisia laga mamnuucay isku imaatinka dadweynaha sida xaflad dhaqameedka iyo kulamada qoysaska.
Shacabka dalkaas ayaa laga hor istaagay in ay u kala gooshaan gobollada kala duwan.
Waxaa 7-da fiidnimo Tunisia ka billaabanaya bandow habeenkii oo shaqeynaya ilaa 5-ta aroornimo.