Waxaa maanta lagu wadaa in xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya ay ka dhacdo xil wareejin, iyada oo ay ku kala wareegayaan madaxweynihii hore Maxamad Cabdullaahi Farmaajo iyo kan cusub Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda xil wareejinta oo ka dhaceysa Barxadda Madaxtooyada ayaa waxaa ka qayb geli doona labada Madaxweyene ee xilka isku wareejinaya, Guddoonka labada Aqal, taliyeyaasha Ciidamada, Xildhibaannada iyo Golaha Wasiirrada iyo marti sharaf kale.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo midka xilka ka sii degaya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa khudbado kooban ka jeedin doona munaasabadda xil wareejinta iyo xubnaha kale ee lagu marti qaaday.
Ka dib hal sano iyo saddex bilood oo ay daahday doorashadii Soomaaliya, maanta oo isniin ah ayuu ugu dambeyn madaxweyne haysta sharciyadda muddo xileed uu ku shaqeeyo oo dhamaystiran fariisanayaa madaxtooyada.
Howlaha ugu horreeya ee lagu wado in madaxweynaha cusub uu qabto ayaa waxaa ka mid ah magacaabista agaasimaha madaxtooyada.
Wararka la helaya ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh markii uu xilka la wareego uu agaasimaha madaxtooyada u magacaabi doono Senatar hore Xuseen Sheekh Maxamuud oo kasoo jeeda deegaannada Koonfur Galbeed gaar ahaan gobolka Bakool.
Madaxweynaha xilka kasii degaya ee Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa la doortay 8-dii bishii Labaad ee sanadkii 2017-kii, waxaana uu xilka hayay in ka badan 5 Sano, iyada oo uu inta uu xafiiska joogay dalka Soomaaliya ay ka dhaceen dhibaatooyin kala duwan.
Home Wararka Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo maanta madaxtooyada la wareegi doono, xilli Farmaajo uu...




