Madaxweynaha 10-aad ee la doortay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo dhaariyay hoggaanka ugu sarreeya ee Soomaaliya ka dib markii uu wareeggi saddeexaad ee codeynta kaga guuleystay madaxweynaha uu xilka kala wareegay caawa Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Xasan Sheekh ayaa helay 214 cod halka Farmaajo uu helay 110 cod.
Waxaa codeysay 327 xildhibaan ee labada aqal ee baarlamaanka.
Waxaa doorashada u tartantay in ka badan 30 murrashax uu ku haray wareeggii koowad iyo labaad ee codbixinta oo ahayd mid aad u adag.
Xasan Sh Maxamuud ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya oo mar labaad la doorto.