Xasan Sh Maxamuud maka soo bixi doona ballanqaadyadiisa ka hor inta aan la dooran?

0
560

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 12-kii bishan baarlamaanka hortiisa ku ballaanqaaday dhowr qodob haddii dib loo doorto, waxaana ka mid ahaa qodobbadan hoos ku xusan balse su’aashu waxay tahay maka soo baxi doonaa ballanqaadayadan mise waxa ay noqono doonaan kuwa uun lagu doonayay codka baarlamaanka?
Amniga
Waxaan diiradda saari doonaa amniga oo ah in dalka dib loo xoreeyo oo laga xoreeyo argagixsada magaalooyinka lana furo waddooyinka isku xiro magaalooyinka si ganacsiga ay dadka ay si xor ah u socdaan.
Waxaa amniga barbar socda garsoorka oo aan ku bilaabi doono guddigiissi madaxa bannaanaa ee adeegga garsoorka.
Ilaalinta sharafta iyo karaamada dalka iyo dadka
Waxaan ballanqaadaya in qof muwaadin Soomaaliyeed aan dal kale loo dhiibin, waxaan ballanaqaadayaa in qof soomaali ah in fikirka siyaasi ee uu aamnisan yahay awgiis loo caburin loona cadaadin.
Dib u heeshiisiin
Xasan sheekh ayaa ballanqaaday in dalka ay ka dhaqangelin doono dib u heshiisiin laba weji leh:
1: “Dib u heshiisiinta bulshada ee deegaanada oo degmooyinka maxalliga ah ee beelaha dhexdooda ka socon doonta.”
2: “Dib iyo u heshiisiinta siyaasadda oo dadka soomaaliyeed aan dooneyno in aasaas u noqodo dastuurka, haddii dastuurka lagu heshiiyo oo dadka Soomaaliyeed oo dhan isla qaataan waxaan aaminsanahay in dib u heshiisiinta siyaasadda meel-gaartay laguna dhaqmi doono haddii Alle yirahdo.”
Dimuqraadiyadda
“Dumuqraadiyadda waxaan aasaas uga dhigeynaa xisbiyada siyaasadda oo aan dooneyno in qofka siyaasiga ah fikirkiisa la yaqaano oo aan dalka hoggaankiisa iyo taladiisa aanu imaani isagoo aan laga garaneyn u jeedooyinkiisa iyo aragtidiisa siyaasadda, Waxaan abuureynaa nidaam ah in dadka Soomaaliyeed ay ku kalsoonaadaan hay’adaha dastuuriga ah iyo kuwa dowladda oo aan loo arkin kuwa u daneynaya dad gaar ah ama deegaan gaar ah,” ayuu yiri.
“Waxaa sidoo kale daadajin doonnaa nidaamka federaalka oo gaarsiin doona ilaa heer degmo iyo tuulaba.”