Xasan Sh Maxamuud: Hadafkeena ugu dambeeya waa inaan Al-Shabaab ku ciriirino inay nabadda qaataan

0
393

Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kalsooni ka muujiyay in duullaankiisa cusub ee milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu kaga adkaan doono kooxdaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareysi siiyay wargeyska afka dheer ee Financial Times, ayaa u sheegay inuu rajeynayo in weerarradii ugu dambeeyay ee ka dhanka ahaa Al-Shabaab ay ku khasbi doonaan miiska wada hadalka.
“Laba arrimood ayaa jira in Al-Shabaab looga adkaado, mid waa milateri ahaan, mid kalena waa fikir,” ayuu Xasan Sheekh Maxamuud u sheegay Financial Times oo wareysi gaar ah ku siiyay xarunta madaxtooyada ee Muqdisho.
“Dagaalka fikradeed wuxuu sii socon doonaa in muddo ah, laakiin, midka militeriga, waxaan aaminsanahay inaan kaga adkaan doono iyaga,” ayuu yiri madaxweynuhu.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in hadafkiisa ugu dambeeya uu yahay sidii uu kooxda Al-Shabaab ugu celin lahaa meel ciririi ah oo aan ka ahayn inay nabada qaataan.
“Al-Shabaab waxay weli dareemayaan inay sii noolaan karaan, waxaana sidoo kale rumeysannahay in fursadda wada hadallada aysan weli qaangaarin, balse dhammaadka tani waxay ku dambeyn doonta wada hadal,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Si kastaba ha ahaatee, howlgallada ciidamada dowladda Soomaaliya ee ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa sababay in kooxdan  ay lumiyaan saddex meelood meel meelaha ay ka joogaan gobollada Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
In ka badan 3,000 oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay 3,700 oo kalena waa lagu dhaawacay wajigii koowaad ee howlgallada ciidamada intii u dhexeysay bishii Siddeedaad ee sanadkii hore ilaa bishii Koowaad ee sanadkan, iyadoo dowladda ay sidoo kale sheegtay in 70 magaalo iyo tuulooyin laga saaray Al-Shabaab.