Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa si rasmi ah u furay xarunta dhexe ee guddoomiyaha dowladda ku matali doono bariga ismaamulka Lamu .
Wasiirka ayaa sidoo kale kulamo la qaatay guddiyada ammaanka iyo sirdoonka ee gobolka Xeebta , ismaamulka Lamu iyo kuwa bariga dowlad deegaankaasi.
Isagoo uu wehelinayay barasaabka Lamu ,Issa Timamy ayay ka wada hadleen xoojinta ammaanka.
Kindiki ayaa sidoo kale isku soo bax dadweyne halkaasi ku qabtay.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii Axadii la soo dhaafay qaar ka mid ah ciidamada difaaca dalka ay waxyeello ka soo gaartay miino dhulka loogu aasay oo ku qaraxday baabuurkooda.
22-kii bishii hore ayay ahayd markii labo qof la dilay halka sagaal guri la gubay xilli shakhsiyaad looga shakiyay Al-Shabaab ay weerareen tuulooyinka Lango la Simba iyo Salama .