Xarumaha Safaricom ee Nairobi oo maanta xiran

0
516

Waxaa maanta xiran xarumaha shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ay ku leedahay magaalada Nairobi sidii ay horay u shaacisay .
Bayaanka shirkadda waxaa ku cad in maanta ay keliya shaqeynaysa xarunta Safaricom ee gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Adeegyada laga bixiyo goobahan ayaa sidii caadiga ahayd ku soo noqon doono berri.
Safaricom ayaa tallaabadan u aaneysay inay sameynaysa geeddisocod shirkadda gudaheeda ah.
Waxay shirkaddu sheegtay in wixii caawimaad dheeraad ah laga heli karo qaybta adeegga macaamiisha iyo xarumaha ugu dhow ee ay shirkaddu u ansixisay inay bixiyaan adeegyadeeda.