Xarumaha Safaricom ee Nairobi oo berri xirnaan doono

0
710

Shirkadda isgaarsiinta ee Safaricom ayaa shaaca ka qaadday in xarumaheeda ay ku leedahay caasimadda dalka ee Nairobi aynan furnaan doonin berri oo ay taariikhdu ku beegan tahay 6-da bishan Tobnaad.
Bayaanka shirkadda waxaa ku cad in keliya ay shaqeyn doonto xarunta Safaricom ee gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Adeegyada laga bixiyo goobahan ayaa sidii caadiga ahayd ku soo noqon doono Sabtida oo ah 7-da bisha Oktoobar.
Safaricom ayaa tallaabadan u aaneysay inay sameynaysa geeddisocod shirkadda gudaheeda ah.
Waxay shirkaddu sheegtay in wixii caawimaad dheeraad ah laga heli karo qaybta adeegga macaamiisha iyo xarumaha ugu dhow ee ay shirkaddu u ansixisay inay bixiyaan adeegyadeeda.