Kooxda Xamaas ee dalka Falastiin ayaa Israa’iil ku eedeysay in ay dib u sii dhigaysa in la gaaro heshiis xabbad joojin ah.
Waxay sheegtay in Israa’iil ay shuruudo hor leh ku xiraysa wada hadallada xabbad joojinta ee socda.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa dhankiisa ururka Xamaas ku eedeyay inuu abuuraya caqabado cusub.