Xamaas ayaa Talaadada maanta ah sheegtay inay kala hadli doonto qorshaha nabadeed ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee Qaza gudaha kooxda iyo kooxaha kale ee Falastiin ka hor inta aysan ka jawaabin.
Qorshahan ayaa dalbanayaa in Xamaas ay si wax ku ool ah isu dhiibto oo ay hubka dhigto soona afjarto dagaalkeeda taasoo sahli doonto inuu gargaarka bini’aadantinimo la geeyo gudaha Marinka Qaza.
Dhanka kale Raa’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in wadahadalkii uu Trump la yeeshay uusan kala hadlin dhismaha dowlad Falastiini ah oo madaxbanaan.
Waxaa uu intaa ku daray in ciidamada Israa’iil ay ku sii jiri doonaan dhulka Qaza ka dib markii uu taageeray heshiiska nabadeed ee uu soo jeediyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump.