Xamaas oo sheegtay in ay muujisay niyad sami la xiriirta in la gaaro heshiis xabbad joojin

0
198

Ururka Xamaas ee wadanka Falastiin ayaa sheegaya inuu dhankiisa muujiyay niyad sami la xiriirta dadaallada lagu gaaraya heshiis xabbad joojin oo ka dhaqan galo Qaza.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Antony Blinken uu sheegay in isbeddello lagu sameeyay soo jeedintii Xamaas ee heshiiska xabbad joojinta ay yihiin kuwo aan lagu tallaaba qaadi karin.
Tani iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore , waxaa duqeymaha Israa’iil ee Qaza lagu dilay ugu yaraan 37,232 qof halka la dhaawacay 85,037 kale.