Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa sheegay inuu diyaar u yahay heshiis xabbad joojin ah oo dhameystiran kaasi oo lagu siidaynaya dhammaan maxaabiista Israa’iil.
Waxay intaasi ku dartay in ay oggolaatay soo dhisidda maamul qaran oo madax bannaan oo ka talin doono Qaza.
Hasa ahaate, waxaa arrinkan ka soo horjeestay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo sheegay in dagaalka Qaza uu durbo dhammaan karo iyadoo lagu saleynaya shuruudaha uu dejiyay golaha wasiirrada ee Israa’iil.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo shalay weerarrada Israa’iil ee Qaza lagu dilay in ka badan 73 qof oo Falastiiniyiin ah.
Ugu yaraan 43 ruux oo dadkan ka mid ah ayaa looga takhalusay magaalada Qaza.
Tan iyo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii 2023-kii, duullaanka militari ee Israa’iil ee Qaza waxaa ku dhintay ugu yaraan 63,746 qof halka ay ku dhaawacmeen 161,245 kale.