Xamas ayaa ku dhawaaqday inay diyaar u tahay sii deynta dhammaan maxaabiista Israa’iil; kuwa nool iyo meydadka kuwa dhintayba, iyagoo uga gol leh joojinta duullaanka Israa’iil ee Qasa iyo in ciidamadeeda si buuxda uga baxaan dhulkaas, sida ku xusan qorshaha is-weydaarsiga ee uu soo jeediyay Donald Trump.
War-saxaafadeed lagu baahiyay barta Telegram-ka ayay kooxdu ku sheegtay inay diyaar u tahay inay isla markiiba wadahadallo la gasho dhexdhexaadiyaasha caalamiga ah si faahfaahinta heshiiskaas loo dhamaystiro.
Jawaabta kooxda Falastiin ma aysan ka hadlin arrinta muhiimka ah ee hub ka dhigisteeda, laakiin waxay sheegtay inay diyaar u tahay inay “si dhakhso ah u gasho” wadahadal nabadeed iyada oo loo marayo dhexdhexaadiyeyaasha.
Dhankiisa Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa cadeeyay in kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas ay diyaar u yihiin nabad.