Xamaas oo meydadka maxaabiista ku wareejin doonta Israa’iil

0
490

Xamaas ayaa ballan qaaday inay ku wareejin doonto Israa’iil dhammaan maxaabiista dhintay ee weli aan la ogayn meel ay kaga sugan yihiin burburka Qaza.
Turkiye, oo ka jawaabaya baaqa Xamaas ee ahaa in laga caawiyo sidii loo heli lahaa maydadka la haysto ee haray, ayaa u diray koox khubaro ah oo gacan ka geysta soo saarista meydadka burburka ku hoos jira.
Kooxdan oo ka kooban 81 xubnood oo ka socda Hay’adda Maareynta Musiibada iyo Degdegga ah ee Turkiga (AFAD) waxay ku qalabaysan yihiin qalab goobid iyo samatabbixin gaar ah, oo ay ku jiraan aaladaha lagu ogaado nolosha iyo eeyaha u tababaran wax raadinta.