Hay’adda Laanqeyrta Cas ayaa sheegtay inay Israa’iil u gudbisay meydadka saddex qof oo aan la garanayn ka dib markii ay Xamaas ku wareejisay.
Dhanka kale Milatariga Israa’iil ayaa maalintii afraad weeraray Marinka Gaza, iyagoo dilay ugu yaraan saddex qof tan ayaa u muuqata in israa’iil ay jabinayso heshiiska xabbad joojinta ay la gashay Xamaas.




