Ururka Xamaas ee dalka Falastiin ayaa dowladda Maraykanka ku eedeyay in ay beddeshay shuruudaha wada hadalka ee heshiiska lagu doonaya in xabbad joojin waarta ay uga dhaqan gasho Qaza.
Xamaas ayaa sheegtay in Maraykanka uu u muuqdo inuu u janjeeraya dhanka Israa’iil.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo kumanaan qof ay dibadbaxyo ka dhigeen waddooyinka magaalada Chicago ee gobolka Illinois ee Maraykanka.
Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda taageerada uu maamulka madaxweyne Joe Biden siinaya Israa’iil.
Dhanka kale , militariga Israa’iil ayaa sheegay in meydadka 6 qof oo ka mid ahaa dadkii ay gacanta ku dhigtay Xamaas laga helay magaalada Khan Younis.
Waxay tani ku soo aadaysa iyadoo qoysaska dadka weli u xiran Xamaas ay Israa’iil ku cadaadinayaan in ay oggolaato heshiis xababd joojin.



