Ururka Xamaas ayaa sheegay in dagaalyahaanadiisa ay ka hor tageen weerar dhanka dhulka ah oo ay Israa’iil ku beegsanaysay meel u dhow magaalada Khan Younis ee xadka Qaza.
Dhanka kale waxaa marinka Rafah ka gudbay oo gargaar geeyay Qaza 17 baabuur oo sida xamuul gargaar ah.
24-kii saacadood ee ugu dambeeyay waxaa duqeymaha dhanka cirka ee Israa’iil ee gudaha Qaza lagu dilay ugu yaraan 266 qof oo Falastiiniyiin ah.
Tirada guud ee Falastiiniyiinta ay Israa’iil dishay tan iyo 7-dii bishan ayaa hadda ah ugu yaraan 4,651 qof iyadoo la dhaawacay in ka badan 14,000 oo qof halka Israa’iil laga dilay in ka badan 1,400 oo qof.