Maanta oo Sabti ah ayaa Xamaas iyo Israa’iil ay is dhaafsanayaan qeybtii labaad ee maxaabiista ay kala haysteen labada dhinac.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Xamaas ay sii deysay sadax haween ah oo u dhashay Israa’iil, iyadoo Israa’iil ay dhankeeda sii deysay 90 maxbuus oo Falastiiniyiin ah.
Xamaas ayaa goor dhaw sii deysay afar haween ah oo Isra’iliyiin ah oo ka tirsnaa Ciidamada Isaraa’il kuwaas oo lagu hayay gudaha Gaza, si ay ugu badelato ilaa 200 qof oo Falastiiniyiin ah oo mudo dheer ku xirna xabsiyada Isra’iil.
Tan ayaa qayb ka ahayd heshiiskii xabbad joojinta, iyagoo ku wareejiyay saraakiisha Laanqayrta Cas ee fagaaraha Falastiin ee magaalada Gaza.
Afarta haweenka ah ee Xamaas ay dhawaan sii daysay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Karina Ariev, Daniella Gilboa, Naama Levy iyo Liri Albag, kuwaas oo la sheegay in sadex ka mid ah yihiin askar.
Xamaas iyo saraakiisha Red Cross ayaa kala saxiixday heshiis isku baddalesho maxabiis.
Maxaabiis is dhaafsiga Israel iyo Xamaas ayaa timid kadib markii 15-kii bishan Janaayo labada dhinac ku heshiiyeen heshiis sadex weji ah oo midka horena uu soconayo 42 maalmood, waxaana mudadaas Xamaas laga doonaya iney ku sii deyso 33 qof oo Isra’iliyiin ah oo isugu jira haween, carrruur iyo weliba dad da’ ah, iyadoo ku bedelaneysa maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah