Xamaas oo beenisay in dagaalyahan looga dilay weerar ay Israa’iil ku qaaday isbitaalka Naasir

0
397

Xamaas ayaa sheegtay in 21-ka qof ee ku dhintay weerar ay Israa’iil ku qaadday cisbitaalka Naasir midkoodna aanu ka tirsanayn dhaqdhaqaaqa falastiiniyiinta, ka dib markii ciidammada Israa’iil ay sheegeen in ay beegsadeen Xamaas oo ay lix dagaalyahan ku dileen weerarka ay ku qaadeen xarunta caafimaadka.
Warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka ee Reuters Arbacada maanta ah , Xamaas waxay ka hortimid sheekashada Israel taasoo soo jiidatay cambaareyn caalami ah.
Weerarka Israa’iil ayaa lagu bartilmaameedsaday saxafiyiinta, dhakhaatiirta, shaqaalaha samatabbixinta iyo rayidka.
Xamaas ayaa cadaysay in dagaalyahan uusan kaga dhiman weerarka.