Xafiiska diiwaangeliya xisbiyada oo lala wadaagay isbeddelo lagu sameeyay Jubilee

0
316

Saraakiisha cusub ee hoggaaminaya xisbiga Jubilee ayaa xafiiska diiwaangeliya xisbiyada siyaasadeed ee wadanka waxay ku wargeliyeen isbeddelo ay sameyeen toddobaadkii hore.
Xoghaye ku xigeenka xisbiga Joshua Kutuny ayaa arrintan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay inay sidoo kale xafiiska la wadageen dokumeentiyo ku saabsan kulankoodi.
Isbeddelladan oo uu meel mariyay guddiga qaran ee fulinta ee xisbiga ayaa waxaa ka mid ahaa in si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay xoghayihii guud ee Jubilee, Jeremiah Kioni, David Murathe oo ahaa guddoomiye ku xigeenka Jubilee iyo qasnad hayihii qaran Kagwe Gichochi. Sidoo kale waxaa maalmo ka hor guddoomiye ku xigeenka xisbiga Jubilee si ku meel gaar ah loogu magacaabay xildhibaanka deegaanka Ceeldaas ee ismaamulka Wajeer Aadan Keynaan .
Kanini Kega oo ah xildhibaan ka tirsan golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA ayaa isna loo magacaabay sii hayaha xilka xoghayaha guud ee xisbiga halka wakiilka haweenka ee ismaamulka Kitui Rachael Nyamai laga dhigay qasnad hayaha qaran.
Guddiga qaran ee fulinta ee NEC ayaa sidoo kale go’aamiyay in sida ugu dhakhsiyaha badan la isugu yeero kooxda Jubilee u qaabilsan habdhaqanka si tallaabooyin looga qaado hoggaamiyaasha si ku meel gaar ah loo eryay.
Hasa ahaate Jeremiah Kioni ayaa kulanka guddiga NEC ee qabsoomay iyo isbeddellada laga soo saaray ku tilmaamay sharci darro sidaas awgeedna waxba kama jiraan ah.
Tani ayaa timid ka dib markii 32 ka mid ah xildhibaannada Jubilee ay xarunta madaxtooyada ee State ay kulan kula yeesheen madaxweynaha dalka William Ruto iyagoo u ballanqaaday inay la shaqeynayaan.