Xabbad joojin shalay la soo bandhigay oo aan ka dhaqan gelin Suudaan

0
172

Waxaa lagu soo warramayaa in rasaas culus oo la is-waydaarsanaya laga maqlay gudaha caasimadda dalka Suudaan ee Khartoum.
Tani ayaa timid wax yar un ka dib xilli lagu waday inay dhaqan gasho xabbad joojin uu qorshuhu ahaa inay shaqeyso muddo 24 saacadood ah oo shalay la gaaray.
Dowladda Maraykanka iyo si guud beesha caalamka ayaa dhinacyada Suudaan ku dagaallamaya ee kala ah ciidamada qalabka sida iyo kuwa sida militariga u tababaran ee RSF cadaadis ku saaraya inay joojiyaan iskudhacyada u dhexeya ee soo billowday Sabtidii oo ay guda galaan wada hadallo nabadeed.
Ugu yaraan 185 qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaallada ka soo cusboonaaday Suudaan.