Xabbad joojin maanta ka jirta Suudaan

0
295

Dalka Suudaan ayaa maanta xasilooni laga dareemaya ka dib markii dhinacyadii dagaallamayay ee kala ah ciidamada militariga iyo saraakiisha RSF ee wadankaasi ay ku dhawaaqeen xabbad joojin.
Waxaa arrinkan ku horreeyay taliyaha saraakiisha RSF Maxamad Xamdan Dagalo waxaana markii dambe la qaatay dhigiisa ciidamada qalabka sida ee wadankaas Cabdel Fataax Al-Burhan.
Generaalka ayaa khudbad uu jeediyay waxaa uu dhanka kale dhallinyarada Suudaan ugu baaqay in iyagoo guriyahooda ku sugan ay wadanka difaacaan ama ay ku soo biiraan ciidamada qalabka sida.
Isku dhacyada u dhexeya labada dhinac oo soo billowday bartamihii bishii Afaraad ee sanadkan ayaa waxaa ku barakacay in ka badan 2 milyan oo qof.
Sidoo kale waxay 25 milyan oo qof u horseedeen inay u baahdaan gargaar baniaadannimo.