Saraakiisha waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegay in xabaalo dheeraad ah lagu arkay tuulada Kwa Binzaro ee ismaamulka Kilifi.
Waxaa halkaasi ku sugan saraakiil uu hoggaaminaya agaasimaha qaabilsan baaritaannada dilalka Martin Nyuguto.
Waxay sheegeen in ay tuuladaasi ku sugnaan doonaan muddo si ay u uruuriyaan caddeymo ku aaddan waxyaabo dhacay bishii Saddexaad ilaa bishan Toddobaad ee July ee sanadkan.
Dhanka kale , wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Mr.Kipchumba Murkomen ayaa beeniyay eedeyn loo jeediyay waaxda sirdoonka ee dalka oo ah in ay ka gaabiyeen in la ogaado qaabkii lagu qoday xabaalaha la arkay.
Waxaa uu sheegay in dowladdu ay ku dadaalaysa in aan la soo tabin dhimashooyin dheeraad ah.