Xaaladda Qaza oo maanta deggan

0
279

Waxaa lagu soo warramayaa in xaaladda marinka Qaza ee dalka Falastiin ay maanta deggan tahay.
Tani ayaa timid ka dib heshiis xabbad joojin ah oo ay gaareen Israa’iil iyo dhaqdhaqaaqa Palestine Islamic Jihad ee PIJ.
Heshiiska ayaa ku soo beegmay ka dib shan cishe oo ay Israa’iil Qaza ka waday duqeymo lagu dilay ugu yaraan 34 ruux.
Howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegaya in 190 qof lagu dhaawacay Qaza halka dhaawaca laga soo tabiyay dhanka Israa’iil uu yahay toddobo.
Sidoo kale waxaa maanta meesha laga saaray xayiraado dhanka socdaalka ah oo horay loogu soo rogay Israa’iiliyiinta deggan meelaha u dhow Qaza.