Wasaaradda caafimaadka ee dalka India ayaa maanta sheegtay in 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay ay diiwaangelisay xaalado cusub oo ah kuwa cudurka COVID19 oo gaaraya 348,421
Tani ayaa tirada guud ee kiisaska caabuqa corona ee ilaa iyo hadda gudaha wadankaas laga xaqiijiyay ka dhigaysa in ka badan 23 milyan.
Sidoo kale waxaa cudurka u dhintay 4,205 qof oo dheeraad ah waxayna tirada guud ee dhimashada tahay in ka badan 250,000 .