Xaalad degdeg ah oo looga dhawaaqay New Zealand

0
289

Dowladda dalka New Zealand ayaa ku dhawaaqday xaalad qaran oo degdeg ah.
Tani ayaa timid ka dib markii duufaanta xooggan ee loo yaqaano Cyclone Gabrielle ay ku dhufatay Waqooyiga wadankaasi halkaasi oo laga soo tabiyay daadad iyo koronto la’aan soo wajahday tobanaan kun oo qof.
Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Chris Hipkins ayaa warfidiyeenka u sheegay in qoysas badan ay ku barakeen jasiiradda waqooyiga sare ee wadankaasi tani oo keentay in xaalad degdeg ah la soo saaro.
Hipkins ayaa intaasi ku daray inay wakhti xaadirkan adag tahay in la shaaciyo tirada rasmiga ee barakacayaasha.
Hasa ahaate waxaa uu xaqiijiyay in ilaa iyo hadda aynan jirin dhimasho la xaqiijiyay oo ka dhalatay duufaanta ama fatahaadaha.
Xaaladdan degdegga ayaa ah middii saddexaad ee lagu dhawaaqay taariikhda New Zealand.