Dowladda dalka Itoobiya ayaa maanta ku dhawaaqday xaalad degdeg ah.
Tani ayaa ku soo aadaysa ka dib maalmo ay iskudhacyo u dhexeeya ciidamada militariga iyo dagaalyahaanno hubeysan ka socdeen gobolka Amhara.
Bayaan ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya , Abiy Axmad ayaa lagu sheegay inay lagama maarmaan noqotay in xaalad degdeg ah lagu dhawaaqo maadaama ay adkaatay xakameynta xaaladda halkaasi ka soo cusboonaatay.
Hasa ahaate bayaanka laguma caddeyn in amarkan uu saameynaya keliya gobolka Amhara Region ama guud ahaan wadankaasi.
Horraantii toddobaadkan ayay ahayd markii ay gobolkaasi ka billowdeen dagaallada gobolka labaad ee ay ku nool yihiin dadka ugu tirada badan ee Itoobiya kuwaasoo u dhexeeya maleeshiyaadka Fano iyo ciidamada difaaca qaran ee Itoobiya ee (ENDF).
Iskudhacyada ayaa durbaba noqday kuwo laga muujiyo walaac amni.