Willy Mutunga oo ka digay rabshado ka dhici karo wadanka

0
504

Madaxii hore ee waaxda caddaaladda ee dalka ,Willy Mutunga ayaa ka digay rabshado la xiriira doorashada oo ay suurtagal tahay inay wadanka ka dhacaan.
Waxa uu Mutunga xusay inaynan jirin caddeyn muujinaysa in doorashada guud ee sanadkan ay u dhici doonto si nabad oo xor iyo xalaal ah haddii maamullada kala duwan aynan qaadin tallaabooyin wax ku ool ah.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii ismaamulka Uasin Gishu lagu dhagaxeeyay diyaarad sidday musharraxa madaxweyne ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga falkaasi oo siyaabo kala duwan loo cambaareeyay.
Madaxii hore ee waaxda garsoorka dalka Willy Mutunga ayaa wareysi uu siiyay idaacadda Capital FM ku sheegay in doorashooyinka Kenya ay yihiin kuwo ku saleysan dhaqaale iyo qabyaalad sidaas awgeedna haddii xaaladda hadda taagan aan wax laga beddelin ay rabshado dhici karaan.