Madaxweynaha la doortay dhawaan ee Kenya William Ruto ayaa wadahadal la yeeshay wafdi ka socdo Congress-ka wadanka Maraykanka oo uu hoggaaminayo senetarka magaalada Delaware ee dalkaasi Chris Andrew Coons oo ay wehliso safiirka Maraykanka u fadhiya Kenya Meg Whitman.
Dr. Ruto ayaa xafiiskiisa xaafadda Karen ee magaalada Nairobi ku qaabilay mas’uuliyiitan.
Waxaa ay kawada hadleen doorashooyinkii dhawaan dalka ka dhacay iyo dhinacyada iskaashiga Kenya iyo Mareykanka.
“Waxaa naga go’an inaan sii xoojinno xiriirka iyo iskaashiga dheeraadka ah si ay uga wada faa’iideystaan muwaadiniinta labada dal” ayuu yiri Ruto