Madaxweynaha la doortay ee Kenya balse aan wali la dhaarin William Ruto ayaa sheegay in cagajugleyntii ay soo soo dhammaatay.
Waxaa uu sheegay in sida uu hadalka u dhigay u dib u soo celin doono dimuqraadiyadii.
Ruto ayaa xusay in arrimo badan ay horyaallaan si wax looga qabto.
Waxaa uu intaasi ku daray in maamulkiisa uu ilaalin doono dimuraadiyadda iyo hufnaanta si ay ula xisaabtamaan dhammaan kenyaanka.
Dr. Ruto ayaa siyaasiyiinta la soo doortay ugu baaqay inay gacmaha is geliyaan, islamarkaana ay u adeegaan shacabkii soo doortay.
“Waa inaan diiradda saarnaa sidii aan u filan lahayn ballaanqaadyadii aynu horraan qaadnay” ayuu yiri Ruto
Waxaa uu ugu dambeyn sheegay in shaqaalaha rayidka la doonaya inay ka madax bannaanaadaan siyaasadda.
Hadalkan ayuu William Ruto sheegay markii maanta uu kulan la qaatay siyaasiyiinta la soo doortay ee isbeheysiga Kenya Kwanza.
Kulanka ayaa ka dhacay hooyga Ruto ee xaafadda Karen magaalada Nairobi.
Waxaa uuna hadalkiisa ku soo aadaya iyadoo musharrixi madaxweyne ay tartameen Raila Odinga uu qaadacay natiijadii doorashada ee uu ku dhawaaqay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka IEBC Wafula Chebukati.
Raila ayaa sheegay inuu dacwad gaynaya maxkamadda ugu sarreysa dalka ee Supreme Court.
Waxaa uuna waxba kama jiaan ku tilmaamay in loolanka looga adkaaday.