William Ruto oo markale xaqiijiyay inuu aqbalaya natiijada doorashada guud

0
343

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa markale xaqiijiyay in haddii si caddaalad ah loogaga guulaysto loolanka madaxtinnimo ee bisha Siddeedaad ee sanadkan uu aqbali doono natiijada ka soo baxdo codeynta.
Ruto oo arrintan ka hadlay isagoo ku sugan Ingiriiska ayaa dhinacyada ay tartamayaan ka dalbaday inay caddeeyaan in haddii uu doorashada kaga adkaado ay hoggaanka wadanka si nabad ah ugu wareejin doonaan.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay inuu ku guulaysan doono hoggaanka ugu sarreeya Kenya.
Sidoo kale waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuusan wax shaki ah ka qabin in guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC uu codeynta u maareyn doono sida habboon si looga badbaado muran rabshad horseeda.